Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu xiray kal-fadhigii 3aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in kal-fadhiga 4aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka uu furmayo Bisha September ee socota,iyadoo qoraal lagu ogeysiiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya .
Qoraalka loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada,Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.