Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo diyaarin doona saameynta Cudurka COVID-19 ku yeeshay dalka.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa lagu magacaabay Guddiga oo kooban 9-xubnood, kuwaasi oo dhammaan ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Magacaabista Guddiga ayaa ku timid, kadib markii Guddoomiye Mursal uu dhageystay Warbixintii saameynta Cudurka halista ah ee COVID-19 ay Golaha kahor jeediyeen Guddigii sugida Cuntada iyo Nafaqada.
Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona diyaarinta warbixin dhameystiran oo ku aadan Natiijada kasoo baxda xog uruurin ku aadan saameynta uu dalka ku yeeshay Cudurka, isla markaana Guddigaas hor keeni doonaan Golaha Shacabka Warbixin.
Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha uu magacaabay guddoomiye Mursal.