Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo gaaray Jalalaqsi iyo kulamo ka socda

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Degmada Jalalaqsi,iydaoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Wafdiga Guddoomiye Caraale ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27aad  ee dowladda Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa Degmada Jalalaqsi u tegay sidii u xalin lahaa shaqaaqo dhexmartay Ciidamo ka tirsan maamulka Degmadaas iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa haatan waxaa uu kulamo la leeyahay Mas’uuliyiinta Degmada Jalalaqsi iyo Saraakiisha AMISOM,isagoona ka hadlayo xalinta shaqaaqdii dhawaan halkaas ka dhacday.

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee qeybta 27aad ayaa baaris ku sameeyn doonta qaabkii ay shaqaaqada uga dhacday Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Comments
Loading...