Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Jubbada Hoose

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaa in halkaas Ciidanka ammaanka Jubbaland ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan.

Ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa hawlgallo ka sameeyay Galbeedka Gobolka Jubadda Hoose gaar ahaan aaga deegaanka Beerxaani,iyadoona sheegay in halkaas lagu dilay dagaalyahano ka tirsa Al-shabaab.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu dilay shan kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab,kuwaasi oo ku sugna aaga deegaanka Beerxaani.

Afhayeenka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Madaxii Maaliyadda ee deeganada Miyiga Al-Shabaab u qaabilsanaa oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan  Gobolka Jubbada Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media