Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Muxumed Taakooy ayaa Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo Taliyaha qeybta Asluubta ee Gobolkaas u gubiyay Madaxweynah Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdiraxmaan Taakooy ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Taliyaha qeybta Asluubta ay faragelin iyo dhibaatooyin kala duwan ay ku hayaan laamaha Garsoorka Gobolka.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dambiilayaal ku jiray xabsiga laga siidaayay, kadib amar ay soo saareen Guddoomiye Cali Maxamed Caraale iyo Taliyaha Asluaabta, taasi oo uu Tookooy ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan ayaa ka digay amni darro ka dhalan karto dambiilyaaasha xabsiga looga sii daaynayo sida sharci darrada ah, isagoona Mas’uuliyiintaas dacwadan ka dhan ah u gubiyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda.