Guddoomiyaha G/Banaadir oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo booqday hotel Hayaat ayaa Warbaahinta u sheegay in uu murugada la wadaagaya Ehelada walaalihii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotel Hayaat ee degmada Wadajir.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish  ayaa ciidanka Amniga uga mahad celiyay sida ay marwalba naftooda ugu horaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baaqay in loo midoowo la dagaalanka Al-shabaab, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Xayaat.

Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku dhimatay weerarkii hotelka Xayaat, halka ay ku dhaawacmeen 107 qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda oo Maanta hadlay.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii dhacay ayaa sheegtay inay weerarka ku dileen 63 Askari, halka kuwo kalena dhaawacyo gaareen, dagaal qaatay in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah ayaa ka dhacay hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor