Wafdi ka socday Dowladda Federaalka oo Maanta gaaray Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, xildhibaano iyo saraakiil kale, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Maamulka Hirshabeele, Saraakiisha Ciidamada XDS, kuwa ATMIS iyo maamulka gobolka hiiraan.

Markii ay gaareen Baladweyne ayaa waxa ay booqdeen taliska ciidanka ATMIS ee Ceeljaale, waxa ayna kulama la qaateen saraakariisha ATMIS iyo saraakiisha CXD iyo maamulka gobolka hiiraan iyagoo ka dhegeystey warbixin xaaladada gobolka.

Socdaalka wafdigan ayaa kusoo beegmaya, xili ay ciidanka Xoogga dalka iyo Shacabka Gobolka Hiiraan oo is kaashanaya ay wadeen howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor