Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku xariyan Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo Iimaan Cadow Karshe,kaasi oo dhawaan soo gaaray Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Guddoomiye Iimaan Cadow Karshe oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,xili uu doonayay inuu dib ugu laabto Magaalada Garbahaarey.
Sababta uu u yimid Muqdisho ayuu ku sheegay Guddoomiye Cadow Karshe inay tahay arrimo Caafimaad iyo sidii uu dowladda, Xildhibanaada iyo waxgaradka uga la hadli lahaa abaaraha ka jira Garbahaarey.
“Waa run, in garoonka la iga celiyay, waxaa dhacday markii aan garoonka galayay in wiilal askar ah ii diidaan in aan diyaaradda raaco, oo ay iga soo celiyaan, waxay ay ii sheegen oo dembi ah oo aan galay oo i qanciyana wali ma hayo, haddii aan iri yaa I heystana waxay igu yiraahdeen anagu waxaan nahay xafiiska nabadsugida ee garoonka, amarkana waxaa nalaga siiyay xafiiska naga sareeya ee nabadsugida, in aad bixin oo bixitaanka aadan u fasaxnayn baa la nalagu amray ee Magaalada ku noqo”ayuu yiri Guddoomiye Cadow Karshe.
Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu tilmaamay in uusan ogeyn sababta loo xayiray iyo waxa loo heysto.
Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliyaa ayaa kal horey Muqdisho ku xirtay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasab Cabdi Nuur Janan,kaasi oo lagu eedeeyay xadgudub ka dhan bani’adanimada oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.