Guddoomiyaha Cusub ee Balcad oo Xilka La Wareegay (Sawirro)

Guddoomiyaha cusub ee degmada Balcad Cismaan Maxamed Xaadoole ayaa maanta xilkii kala wareegay guddoomiyihii degmadaasi, kadib munaasabad ka dhacday Balcad.

Xaflada xil wareejinta ayaa lagu qabtay xarunta Warshadii dharka ee degmada Balcad, waxaana ka qeyb galay ra’isul wasaarihii dowladii KMG Cali Maxmaed Geedi, madax ka socotay maamulka Hirshabeelle, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, iyadoona xilka si rasmi ah munaasabadaas uu ugula wareegay guddoomiye Xaadoole oo dhawaan madaxweyne Cosoble u magacaabay degmadaasi.

Cismaan Xaadoole oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono xalada degmada, kuna dadaali doono hormarka Balcad oo uu markale ka noqonayo guddoomiye.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media