Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul Goboleed oo soo gaaray Muqdisho + ujeedkiisa

Waxaa galabta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wafdi uu hoggaaminaayay, iyadoo soo dhaweyn ballaaran loo sameeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil kusoo dhaweeyay Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xildhbaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, habdhowraha ku-xigeenka 1-aad iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in maalmaha uu joogo Magaaladda Muqdisho uu ka qeyb gali doono furitaanka Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa loo balansan yahay inuu furmo 15-ka bishan, sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha golayaasha wakiilada ee dowlad Goboleedyadda dalka, iyadoo berri la filaayo inta harsan ay soo gaaraan Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor