Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS oo booqday dhaawacyada Qaraxii Baydhabo

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamulkaas Dr. Ali Siciid Fiqi  ayaa Maanta isbitaalka ku booqdey dadkii kusoo dhaawacmey qaraxii shalay ka dhacay Baydhabo, kaasi oo ay wax yeelo ka soo gaartey dad shacab ah.

Guddomiyaha ayaa mid mid u booqday dhammaan dhaawacyadii ku jireen Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo, isagoona ugu duceeyay in  Allah si deg deg ah Cafimaad kusiiyo kuwii ku dhinteyna Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka KGS ayaa Kusimaha Madaxweynaha warbixin ka siiyay Xaalada guud ee bukaanada ku jira isbitaalka wuxuna sheegay in xalay ay seexdeen isbitaalka dad ku dhow 18 qof kuwaasi oo kusoo dhaawacmey qaraxii shalay, wuxuna sheegey in hada isbitaalka ay ku jiraan 4 qof  oo dhaawacyadii ka mid ah intii kalena guriyohoodi ayey dib ugu noqdeen.

Dr, Ali Siciid Fiqi ayaa si kulul u cambaareyay qaraxa, kaasi oo uu tilmaamay in lala eegtay dad shacab ah oo u dabaal degayay Munaasabadda Ciidu Fidriga, waxaana booqashadiisa ku wehlinayay wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka KGS .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media