Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya,Wasiiro iyo Saraakiil loo duuliyey Adis Ababa

Wararka aan ka heleyno Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shacabka dimuqraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,Wasiiro iyo Saraakiil loo qaaday Adis Ababa.

Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF ayaa Dlsan u xaqiijiyey Warkaan,waxaana uu sheegay in lagu amray in si deg deg ah ku tagaan Adis Abaab sidaasina ay ugu bax baxeen.

Gudoomiyaha Baarlaamnka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa wehlinaya 20 Wasiir iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Liyuu Boolis,kuwaas oo diyaarad gaar ah ka qaaady Magalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Horey ayaa Ciidamada Federaalka Itoobiya waxa ay jigjiga ka kaxeeyeen Madaxweynihii xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar kaas oo la soo sheegayo in uu Xabsi guri ku yahay Magalada Adis Ababa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor