Shan Sanno ayaa laga joogaa Aas’aaska Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee loo soo gaabiyo (AGA),waxaana dalka Jabuuti lagu aas’aasay 26-kii Bishii june Sanadkii 2013kii,iyada oo Maanta Muqdisho lagu qabtay Munaasabad loogu dabaal degayey.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda iyo Bulshada Rayidka.
Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga Dr, Maxamed Daahir Afrax oo la hadlay Dalsan Tv ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qoondo ka siisay Miisaaniyadda Sanadkaan,balse ilaa iyo hadda aysan helin miisaaniyadii loogu talo galay.
Hoos Ka Daawo Warbixinta Warkaan iyo Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage.