Guddoomiyaasha labada aqal iyo duqa Muqdisho oo kulan yeeshay

Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaah Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseya Siyaasadda dalka, waxaana la sheegay in ay si gaar ah uga wada hadleen Mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Gudoomiyeyaasha Labada Aqal Ee barlamanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman iyo  Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Goabalka ayaa la sheegay in isku fahmeen qodobada ay ka wada hadleen, waxaana guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay in kulanku uu ahaa mid mira dhal ah, ayna isku fahmeen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media