Xubno ka tirsan Murashixiinta Madaxweynaha JFS ayaa cabsi xooggan ka muujiyey Kalsoonida ay ku qabi karaan Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda Madaxweynaha, kadib, markii uu labada dhinac soo kala dhex galay Khilaaf iyo Is-faham waa’.
Tobaneeyo Murashixiin oo saakayto qaadacay Dood-wadaag ay Guddiga Doorashadda ku qaban lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka Qaranka ayaa gelinkii dambe ee maanta ka qeyb galay Dood-wadaag uu u qabanqaabiyey Telefishinka madaxa-bannaan ee Universal TV, oo lagu qabtay Hotelka Aljazeera ee magaalladda Muqdisho.
Murashixiinta ayaa u muuqday inay isku aragti yihiin, waxayna eedeyn dusha kaga tuureen Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda Madaxweynaha, kuna tilmaameen Guddi aan Dhexaad ahayn, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Murashixiinta waxay kaloo sheegeen inay Guddigaasi la safteen Sii-hayaha xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka, ahna Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale, Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda Madaxweynaha wax war ah kama soo saarin Eedeymaha ay Murashixiintaasi u soo jeediyeen.
Guddoomiyaha Guddigaasi,. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa horey u sheegay in la joojiyey Doodihii Murashixiinta Madaxweynaha, wuxuuna taasi bedelkeeda sheegay inay Murashixiinta hor tegi doonaan Shirar Khaas ah oo ay Mudanayaasha BFS u qaban doonaan laga bilaabo bisha February 2-da ilaa 5-da.
Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Murashixiinta iyo Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda Madaxweynaha ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo Xiisad Siyaasadeed oo sababi karta inuu dib-u-dhac ku yimaado Jadwalka Doorashada Madaxweynaha JFS oo la qorsheeyey inay qabsoonto bisha soo socoto ee February 8-da.
Halkan ka dhegeyo Murashixiin iyo Siyaasiyiin eedeeyey Guddiga Doorashadda:
©Radio Dalsan