Guddiga qaban-qaabada Shirka Madaxda oo diyaar garoow ka wada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka socda Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee shirka Wadatashiga ee Arrimaha doorashooyinka Qaran ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda, kaasi Maalinta barri furmaya.

Guddiyadda farsamada oo maalmihii u danbeeyey oo dhan ku hawlanaa diyaarinta Shirwaynaha Qaran ee Arimaha doorashooyinka dalka ayaa intoodii badnayn soo gaba-gabeeyey hawlihii ay wadeen.

Waxaa la filayaa inay saacadaha soo socda magaaladda Muqdisho ay soo gaari doonaan madaxda Maamul Goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirkan oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September lagu gaaray Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo weli Madaxda aysan heshiis rasmi ah ka gaarin, wallow ay socdaan dadaalo kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor