Guddiga Maamulka Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed oo u digay Maareeyaha Hay’adda

Guddiga Maamulka Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa faray Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka inuu joojiyo isku dayada lagu burburinayo jiritaanka Hay’adda iyo madax bannaanideeda, isla markaana lagu bedelayo shuruucda iyo qaab dhismeedka Hay’adda.

Arrintaan ayaa timid, kaddib markii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Ahmed Faarah Agaasimaha Maamulka Maaliyadda iyo Adeegyada Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka.

Guddiga ayaa tallaabadan u arkay mid ka hor imaaneysa shuruucda Hey’adda iyo qaab dhismeedkeeda in cid aan mas’uuliyad ku laheyn howlaha Hey’adda ay xil soo magacawdo.

Hey’adda Duulista Rayidka oo ah Hay’ad ka madax bannaan Wasaradda oo xilalkeeda uu magacaabi karo Mareeyaha guud oo kaliya arrintan ayaa waxa arkay iyo awoodda qaldan ee ay Wasiirada isticmaaleyso Guddiga Maamulka (Board of directors), waana mid ka mid ah arrimihii uu isku casilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor