Guddiga Sare ee Maamulka Maaliyadda Dowladda Somalia “The Financial Governance Committee†ee uu Bangiga Adduunka “The World Bank†taageero ayaa si kulul u naqdiyey Heshiis lala galay Shirkad ay milkiyadeedu qeyb lahayd Shirkadda Ammaanka ee Saladin Security Limited, oo u damaanad-qaadayo Xuquuqda maamulista dhamaan qeybaha Wershadda Kalluumeysiga Somalia.
Qoraal ay Guddigaasi u direen Dowladaha Deeqaha Bixiya ayaa waxaa Wargeyska The Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka, u soo dusiyey Xubin ka tirsan Guddiga iyo Sarkaal la socday Wada-xaajoodka Heshiiskaasi.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay haddii Shirkadda Somalia-Fishguard Limited ee uu fadhigeeda dhexe ku yaallo Jesiiradda Murushiyoos (Mauritius) mas’uul looga dhigay Iibinta Laysimadda Kalluumeysiga ee Badda Somalia iyo Ilaalinta Kheyraadka Kalluunka ee Geeska Afrika inay taasi suurtogal tahay in ay abuurto Iska Horimaadka Danaha (Conflict of Interest).
Labada Mas’uul ee Qoraalka Guddiga Kontoroolka Maaliyadda Somalia u gudbiyey Wargeyska The Bloomberg ayaa codsaday inaan magacooda la soo xiganin, maadaama aan weli Dukumentiga heshiiska si rasmi ah loo saxiixin.
Wargeyska The Bloomberg waxa uu qoray inay Telefoonka iyo E-mailo kula xiriireen Saraakiil ka kala tirsan Xafiisyadda Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud iyo kan Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, Mohamed Omar Arte iyo Agaasimaha Guud ee Kalluumeysiga Somalia, Ahmed Mohamed Iimaan, balse ay dhamaantooda ka gaabsadeen ama aanay ka jawaabin Telefoonadda iyo E-mailladda uu Wargeyskaasi u kala diray.
Waddanka Somalia waxa uu leeyahay Xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika, isla markaana hodan ku ah noocyadda Kalluunka qaaliga, inkastoo ay Kalluunkaasi si sharci-darro ah u dhurtaan Shirkaddo laga leeyahay dalalka Reer Galbeedka.
Warbixin ay Hay’adda lagu magacaabo “One Earth Future Foundation†ee dalka Maraykanka soo saartay bishii hore waxay ku sheegtay in Kalluumeysiga sharci-darradda Somalia slaga macaasho lacag dhan 306 million oo Dollar Sannadkiiba.