Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka oo Xoghaye Cusub loo magacaabay

Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilka Xoghayaha Guud ee Guddiga  u magacaabay C/raxiim C/casiis Aadam, kaasi oo noqon doona Xoghayaha Cusub ee Guddiga.

Xilka loo magacaabay mas’uulka Cusub ayaa waxaa  horay u hayay C/shakuur Daauud Maxamed, kaasi oo hadda loo magacaabay xubin ka mid ah Guddi-Hoosaadka hawlgalka Doorashooyinka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor