Guddiga Fulinta NUSOJ oo Taageeray Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka

Shir degdeg ah oo ay guddiga fulinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ku qaateen xarunta dhexe ee ururka ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayay Xoghayaha Guud Md. Maxamed Ibrahim ayaa waxa ay uga doodeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin qodobada soo socda:

Guddiga fulinta waxa ay si wadajir ah u soo dhoweeyeen guddiga madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka oo iyagu isu xilqaamay sidii saxafiyiinta Soomaaliyeed loo samatabixin lahaa.,

Guddiga fulintu waxa ay soo dhoweeyeen go’aanka Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha oo ay kaga dhiidiyeen in qowleysato magacyadaas ugu adeegato, kuna dhibaateyso dadkii xaqa u lahaa in lagu metelo. Waxa uu sidoo kale guddiga fulinta soo dhoweeyeen go’aanka garyaqaanka guud ee dowladda ee uu ku sheegay in xukunka maxkamadda sare uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka dalka iyos huruucda kale ee dalka, islamarkaana aanu dhaqangal noqon Karin, isagoosheegay in ay kaqaadanayaan dib u eegis.

Guddiga fulinta waxa uu cambaareeyay handadaadaha joogtada ah ee ay suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hoggaanka ururka ku hayaan Horn Legal iyo QareenTahlil Haji, uguna baaqay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan handadaadaha ay ku hayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, taasoo ah arrin Qatar ku ah xorriyadda hadalka iyo midda fikirka.

Guddiga fulinta waxa uu ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradaha warfaafinta iyo shaqada iyo shaqaalaha inay si sharci ah uga hortagaan shakhsiyaadka dibad joogga ah oo ku soo hanaqaaday hanaankii fowdada ahaa ee dalka ka jiray, islamarkaana dalka isaga soo noqonaya, iyagoo ujeedkoodu yahayi nay khalkhal geliyaan masiirka suxufiyiinta iyo kan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Guddigu waxa uu go’aamiyay in uu kala shaqeeyo guddiga xallinta khilaafaadka iyo Wasaaradda warfaafinta si loo qabto shirweyne guud oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed si xor ah ugu doortaan hoggaankooda NUSOJ.

Guddiga fulinta waxa uu soo kale cambaareyn kulul u jeediyay Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Adduunka (IFJ), Mr. Jim Bemoulha oo ah shakhsi ku bulaalay dhiigga saxafiyiinta Soomaaliyeed, ugana baaqay in uu faraha kala baxo faragelinta qaawan ee uu ku hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan ururada ka jira Barriga Afrika.

Guddiga sidoo kale waxa uu Xiriirka Ururada shaqaalaha ee madaxa banaan ee loo yaqaano (ITUC) ugu baaqayaa inay ixtiraamto rabitaanka saxafiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana hakiyaan lacagaha lagu baneysanayo dhiigga Suxufiyiinta iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Iyadoo uu tixgelinayo in ay soo gebogebowday fowdadii uu kiciyey Cumar Faaruq, Guddiga Fulinta NUSOJ waxaa uu aad u bogaadiyey doorkii Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay kaqaateen in ay jebiyaan habka Musuqmaasuqa iyo fowdada ku dhisnaa ee Cumar Faaruq uu ku doonayey in uu ku qalqal geliyo hoggaanka ururka NUSOJ, islamarkaasns guddiga Fulinta waxaa uu bogaadiyey doorkii shariifka ahaa ee wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiskaee Soomaaliya ay ka qaadatay ka hortaga dhibaatadaas uu dalka kula soo laabtay shaqsigaas fowdada ku sifoobay.

Ugu danbeyntii, guddiga Fulinta Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeedee NUSOJ waxaa uu hay’adaha Garsoorka Dalka ka codsaday in ay ka waantoobaan faragelinta madaxbanaanida hay’adaha sharciga ah ee dalka kajira, islamarkaasna ku sifoobaan garsoor cadaalad ah oo hufan.
Dhamaad

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor