Guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada doorashooyinka.
Guddiga Farsamada ayaa kooxda Qaramada Midoobay kala hadlay isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.
Kooxda Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Guddiga arrimaha doorashooyinka u qaabilsan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta inay ka taageri doonaan dardar-gelinta dadaallada uu wado Maxamed Xuseen Rooble.
Guddigaan ayaa Ra’iiusl Wasaaraha ka taageeri doona Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin in si habsami ah loo fuliyo qodobadii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiiska uga gaareen doorashada dalka ka dhaceysa.
Waxaa kaloo ay Guddiga sare ee Farsamada u qaabilsan Rooble doorashada ay xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya Xafiiska Ra’iisul Wasaaaraha, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.