Guddiga doorashada oo soo saaray Jadwalka doorashada kursi ka tirsan Aqalka sare

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in ay qaban doonaan mid ka mid ah Kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka aqalka sare, kaasi oo uu haray isaga casilay Dhageey Geelle.

Guddigu waxaa ay sheegeen in ay qaban doonaan doorashada maalinta arbacadaha ah ee foodda nagu haysa.

Kursigaasi la doonayo in haatan la doorto ayaa waxaa iska casilay dhageey Geelle, waxaana la diiwaan galin doonaa musharixiinta u taagan kursiga, iyadoo kadibna la guda gali doono doortashada Kursiga.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor