Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo Maanta gaaray Magaalada Baraawe

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna Caasimadda rasmiga ah ee Maamulkaas.

Garoonka diyaaradaha Baraawe ayaa waxaa Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed iyo wafdiga uu la socday kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno kale oo kamid ah Maamulka degmada.

Guddiga doorashada Maamulka ayaa goobjoog ka noqonaya doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo maalmaha soo socda ka bilaabaneysa Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Guddiga ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo Saraakiisha amniga, iyagoona kala hadlay sidii loo xalin lahaa sugida ammaanka Baraawe, maadaama lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.

Doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka ayaa loo qorsheeyay inay Baraawe ka dhacday labada maalmood ee 9 iyo 10-ka bishaan Febraayo, waxaana lagu wadaa in Magaaladaas ay gaaraan wufuud kala duwan oo u badan Musharaxiin Xildhibaano

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor