Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulakii ugu horreeyay ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa Magaalada Muqdisho.
Guddiga oo ka kooban 10-xubnood ayaa iska dhex doortay Guddoomiye oo loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamad oo kamid ah Baarlamaanka, isla markaana wuxuu helay Codad gaaraya 5-cod.
Sidoo kale Guddiga qaban-qaabada ayaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi u doortay Xoghayaha Guddiga, wuxuuna helay 4 Cod, waxaana doorashada Guddoomiyaha iyo Xoghayaha goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka .
Guddiga ayaa inta uu socday kulankooda uga hadlay howlaha shaqo ee Guddiga looga baahan yahay inay qabtaan oo ah diyaarinta Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ee Baarlamaanka 11-aad.
Kulamo kale ayey yeelan doonaan xubnaha Guddigaan oo shalay uu magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad, kuwaasi oo ka arrinsan doona qabsoomida doorashada Guddoonka Golaha.