Waxaa Maanta Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas.
Kulanka ayaa marka hore waxa ay Xildhibaanada uga doodeen mooshinkii ay ka keeneen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,iyaga oo halkaasi ku soo bandhigay waxyaabaha ay ku eedeynayaan.
Doodheer kadib xildhibaanada ayaa ku balamay in maalinta berito ah codka kalsooniada loo qaado Mooshinka ay ka keeneen Madaxweyne ku xigeenka sida uu Goobta ka sheegay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo kulanak shir guddoominayay.
Intaasi kadib waxaa intii uu kulanka socday la Magacaabay Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug maadaama ay sheegeen inay khamiistii la soo dhaafay ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir oo ku sugan Magalada Cadaado.
Guddiga doorashooyinka oo ka kooban 11 xubnood ayaa soo diyaarin doona qaabka ay u dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.