Guddiga Doorashada Galmudug oo hakiyey Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka

Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug ayaa dib u dhigay qabashada doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kaasi oo ay deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in Guddiga uu hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay ee HOP#053, iyagoona sababta ku sheegay in loo dhammeeystirayo  habraacyada kursiga.

Doorashada kursiga HOP#053 ayaa lagu waday in maalinta berri ah ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka, hayeeshee Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in dib looga qabashada doorashadiisa.

Guddiga ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda la qaban doona doorashada kursiga HOP#053 ee  Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana kursigaas u tartami doona 7 Dumar oo Guddiga diiwaan-geliyay…

Maalinta berri oo sabti ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana Magaaladaas ka socota qaban-qaabada doorashada dhaceysa oo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor