Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in markii ugu horeysay ay kulankood ku yeeshaan Magaalada Garoowe ee Caasimada mamaulka Puntland,iyada oo halkaaasi uu sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Waxaa la sheegay in Golaha Wasiirada ay kulankoodii ugu horeyay ee Puntland ku qabtaan uu dhici doono maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 2 bishan Agoosto sidoo kalana Xubnaha golaha Wasiirada badankood ay gaari doonaan maalinta Arbacada ah ee soo socota.
Sababta ugu weyn ee Golaha Wasiirada shirkooda ugu yeelan doonaan Magaalada Garoowe ayaa waxa tahay kadib markii halkaasi ay gaareen wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo isugu jira Wasiiro,Xildhibaano,iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya dhinaca kalana uu horay u balan qaaday Ra”isul-wasaaruhu in shirka golaha wasiirada uu ka dhici doono xarumaha maamul-gobaleedyada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu Garoowe kaga qeyb geli doonaa Munaasabadda Sanadguuradii ka soo wareegatay Markii la Aas-Aasay Maamulka Puntland taas oo ku beegan 1-da Bisha Agoosto.
Waa markii labaad ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku shiraan meel ka baxsan Magaalada Muqdish,iyadoo horay ugu shireen Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland taariikhdu markii ay aheyd 13 bisha luuliyo sanadkii 2017.