Golaha Wadatashiga oo muddo kordhin u sameeyay Waqtiga gaba-gabada Doorashada

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay shir ku yeeshay aalada ZOOM-ka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka, muddo deynta doorashada iyo xal u helida deegaan doorashada labaad Maamulka Jubbaland ee Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Madaxda ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in waqtigii lagu heshiiyay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka lagu dhammeyn waayay doorashada, iyagoona xusay in arrintaas ay caqabad u keentay xiisado ka jiray maamulada qaar iyo Abaaro baahsan oo jira.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay mar kale isku raacay in doorashada Golaha Shacabka lagu dhammeeyo 15-ka bisha soo socota ee Maarso, xili Maanta ay ku egtahay waqtigii hore loogu qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada socota.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga ayaa isla gartay in Ra’iisul Wasaare Rooble oo la tashanaya Madaxweyne Axmed Madoobe uu Guddi u diro Magaalada Garbahaareey, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda Garbahaareey oo lagu qabanayo doorashada, sidoo kalena Golaha wuxuu walaac ka muujiyey Abaaraha dalka ka jira.

Maanta oo Jimco oo ku beegsan 25-ka Febraayo 2022 ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka, xili doorashada ay ka harsan yihiin in ka badan 100 Xildhibaan oo weli la dooran, waxaana sidaasi ku dhaqan geliyay Jadwalkii lagu heshiiyay…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor