Golaha Shacabka oo Berri Codka kalsoonida u qaadaya RW Cusub

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri ah ay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu yahay Khubad jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kalsoodi u qaadida Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Maxamed Xuseen Rooble.

Khudbada uu jeedin doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu uga hadli doonaa arrimo kala duwan oo qeyb ka yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo heshiiskii dhawaan Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dalban doona inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Maxamed Rooble, iyadoo intaas kadib la filayo in la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaanada ayaa waxaa loo diray fariimo ku aadan in maalinta berri uu jiro kulan aan caadi aheyn, isla markaana mudanayaasha laga doonanayo inay ka soo qeyb galaan kulankaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media