Golaha Ammaanka oo waqti kordhin u sameeyay Xafiiska UNSOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga hadleen muddo kordhinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo UNSOM.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cod aqlabiyad ku ansixiyay in hal sano oo kale loogu daro Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana muddo xileedkooda sii wadi doonaan ilaa 31-ka Bisha Agoosto sanadka 2021.

“Qaraarka Tirsigiisu yahay 2540 oo ay Golaha Ammaanka ee QM wada aqbaleen waxa u uka codsanayaa Howlgalka UNSOM inay sii wadaan, siina xoojiyaan Joogitaankooda gudaha dhamaan Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Fedeeralka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka.

Sidoo kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan Arrimaha Doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhamaadka sanadkaan 2020/2021.

Ugu dambeyn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ugu baaqay inay sii wadaan shirarka  wadatashiga ah, si xal looga gaaro tabashooyinka yaryar ee jira, isla markaana la dhameeyo wax kasta, si loo helo jawi wanaagsan oo Doorasho ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media