Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xaaladda dalka Soomaaliya,waxaana lagu wadaa in kulanku dhaco Maanta oo Khamiis ah 20 August 2020-ka.
Inta kulanku socda ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda Soomaaliya, sida wararku sheegayaan waxaa lagu faaqidi doonaa inta kulankaasi socdo arimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo ka qeyb-galayaan Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Siyaasadda Soomaaliya.
Nooca doorasho ee ugu habboon in Soomaliya ay ka dhacdo ayaa looga hadli doonaa shirka, waxaana la sheegay in maanta shirku uu xasaasi yahay iyadoo daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ay xaadir ku yihiin shirka.
Shirka Dhuusamareeb3 ayaa waxaa uu ka mid noqondoonaa waxyaabaha sida gaarka ah loo faaqidi doono, iyadoo shirarkii ka horreeyay ee Dhuusamreb1 iyo Dhuusamareeb2 waxyaabihii ka dhaqan galay dib loo fiirin doono.
Shirkan ay maanta yeelanayaan Golaha ammaanka Qaramada midobey aya waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo xaaladda Siyaasadeed ee dalka ay tahay mid kacsan, waxaana magaalad Dhuusamareeb xarunta Maamul Goboleedka Galmudug taalla gogol uu dhigay madaxweyne Qoorqoor, inkastoo madaxda daowladda iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad Goboleedyada ay ku sugan yihiin gogoshaas haddana waxaa ka maqan madaxda maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland.