Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay si wadajir ah si kulul u cambaareeyeen weerarkii Alshabaab ay shalay ku qaadeen Hotelka Saxafi, oo ay Tobaneeyo qof ku geeriyootay.
Afhayeenka QM ayaa akhriyey War Qoraal oo ay Goluhu ka soo saareen Weerarkaasi, waxayna Golaha Tacsi u direen qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkaasi , guud ahaan dadka iyo Dowladda Somalia, waxayna kuwa dhaawacmay u rajeeyeen inay ka soo bogsadaan dhaawacyadda.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay ammaaneen sida ay Ciiddanka Dowladda uga jawaabeen weerarkii Hotel Saxafi, isla markaana ay u soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay Hotelka.
Golaha Ammaanka ee QM waxay ku baaqeen in loo baahan yahay in Dembiilayaasha, Abaabulayaasha, Maalgeliyayaasha iyo Taageerayaasha fududeeyey Weerarkaasi  Argagixisadda la hor keeno Maxkamadda.
Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ku booriyeen Dowladaha Calaamka inay Dowladda Federalka Somalia ka taageeraan si ay u gudato mas’uuliyadda kaga aadan Ammaanka, iyadoo la dhowrayo Qaraaradda Golaha Ammaanka ee QM iyo Xeerarka Calaamka.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay ugu dambeyntii muujiyeen Taageeradda ay u hayaan Xilliga Kala-guurka ee Somalia si loo gaaro Nabad iyo Degananaansho buuxda.
© Radio Dalsan