Wararka aan ka heleyno Maaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow lagu soo gaba-gabeeyay Shir looga hadlayay Imaanshaha Madaxweynaha Galmudug ee Cadaado.
Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaal dhaqmeed iyo Siyaasiyiinta deegaanka,isla markaana waxaa Go’aan ay ku gaareen in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo haatan ku sugan deegaanka Godiblabe lagu soo dhaweeyo Magaalada Cadaado.
Sidoo kale Odayasha dhaqanka iyo Siyaasiyiintii ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay in Cadaado markii uu yimaado Madaxweyne Xaaf la dejiyo Xarunta Madaxtooyadda,halkaasi oo markii horey uu ku shaqeyn jiray.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xaaf uu xiriiro kala duwan uu la soo sameeyay Waxgaradka kunool Cadaado,isla markaana uu ku wargeliyay in uu kusoo wajahan yahay,isla markaana ay durbo Aqbaleen arrintaas.
Sikastaba Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Xarun u aheyd tan iyo markii uu heshiis la galay Maamulkii Golabada Dhexe ee Ahlusnna Waljameeca kuna biibay Galmudug,Magaalada Dhuusamareeb,waxaana khilaaf xoogan uu kala dhexeeyay Madax Sare oo ka tirsan Galmudug,kuwaasi ku sugnaa Magaalada Cadaado,isla markaana waxaa ay labada dhinac hadallo kulul ay ku marsiin jireen Warbaahinta.