Geesi u istaagay waxbaridda iyo wacyigelinta carruurta lagu shaqeysto

Ku dhawaad boqol carruur ah oo barakac ku ah duleedka magaalada muqdisho da’ doodu na Udhaxaeyso 5-10 sano ayaa waxbarasho bilaash ah helay bilihii u horeyeey sanadka,  kadib Markii Maxamed Shiikh Isxaaq oo ah bare  jaamacadeed uu ardaydan ka soo reebay Shaqooyin adag oo qarkood ay kala kulmi jiriin tacaddiyo joogta ah iyo xuquuq la`aan.

Carruurtan ayaan haysan goobo ugaar waxbarashada iyo agab dhameystiran oo ay wax ku Baran karaan, balse waxay ku qanacsan yihiin fursaddan ay heleen oo ay markii ugu Horreysay tan iyo markii ay deegaanadooda ka soo barakaceen ay wax ku baranayaan, hase-Yeeshee isbedelka xilliga sida roobka iyo qorraxda ayaa ah caqabada ugu weyn ee ardaydan Ka hor taagan waxbarashada maadama aysan heysan goob hagaagsan oo ay ka galaan.

‘’ Carruurtan waxaan ka soo uruuriyay darbiyada iyo hareeraha  waddooyinka iyaga oo ku Dayacan, saacado badan ayeey shaqeyn jireen qaarkood si ay u helaan lacag ay ku Iibsadaan Cunno.”sidaas waxaa yiri Maxamed Shiikh Isxaaq oo ah bare jaamacadeed dhina kalena u Istaagay caawinta iyo waxbaridda carruurtan.

“ Aabbe ayaan ahay duruufaha carruurtanna aad ayaan u dareemaya waana sababta aan Ugu sitaagay waxbariddooda iyo dhiirri galintooda, maadama ay carruurtu tahay ubaxa Runta ah ee uu dal kasta leeyahay shaqada ay carruurtan qabanayeen waxa ay aheyd mid Aad u dhib badan,qaarkood ma Heli jirin xaquuqdood.” Intaas ayuu raaciyay Maxamed.

Ubax Aadan waa hooyada afar (4) carruur ah oo oo hadda kmida carruurta nasiibka u Yeelatay iney helaan fursaddan waxbarashada iyo wacyi galinta isugu jirta, Waxa ay Sheegtay in ka hor tacliintan  uu qoyskoodu ku tiirsanaa lacagaha yaryar ee ay carruurteedu Kasoo shaqeeyaan magaalada.

‘’Qoyskeenna aniga ayaa hadda u kaca, waxyaabo yaryar oo aan guriga ku sammeeyo ayaan Suuqa iyo xaafaddaba ku wareejiya sida sambbuus, bur iyo waxyaabo lamida, maadama ay Carruurteydu billaabeen waxbarasho oo laga wacyi galiyay in aysan awoodin shaqooyinkii ay Qaban jireen.”  Sidaas waxaa tiri hooyo Ubax Aadan.

Saciid Nuur waa 12 sano jir barakac ah xirfadda uu ku shaqeeysto waa caseeye-nimo si uu u Dabbaro noloshiisa, hase yeeshee mararka qaarna uu qabto shaqooyin ka duwan Midaas kana culeys badan marka uu waayo dhaqaalo uu maalintaas noloshiisa ku dabbaro.

‘’Anigu shaqadeyda waa caseeye-nimo  shaqadan waa habeen cun habeena ka seeexo Macnaha joogto waxba uma helo, mararka qaar xammaali-nimo ayaan ku shaqeystaa si aan Wax uun u helo waayo majirto cid nolosheydu ay dulsaaran tahay” Siciid Nuur ayaa sidaas Yiri.

Duruufaha adag ee ku gadaamman  noloshooda iyo midda qoyskooda ayaa dhammaan Carruurtan ku khasbay iney u bareeraan qabashada shaqooyin adag iyo kuwa aan ku Habboneyn naftooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media