Garsoorayaal Soomaali ah oo loo xulay dhexdhexaadinta Tartan culus oo ka tirsan Koobka Afrika

Xiriirka K/cagta qaraadda Afrika ee “The Confederation of African Football (CAF)” waxay u magacaabeen Garsoorayaal Soomaali ah inay dhexdhexaadiyaan  ciyaarta Kooxaha K/cagta ee Gormahia oo ka socota Kenya iyo Yanga SC oo ka socota dalka Tanzania.

Ciyaartaasi oo ka tirsan Qeybta Group D ayaa waxaa la filayaa inay 7-da Fiidnimo ee  habeen dambe ka dhacdo Garoonka Moi International Sports Centre ee magaalladda Nairobi.

Hadalka ka soo baxay Xiriirka K/cagta ee CAF ayaa lagu sheegay in Garsoorayaasha Soomaalida ee loo xulay Garsoorka Ciyaartaasi inay kala yihiin:

Maxamed Xaaji oo ah Garsoorka 1-aad, halka Calan-wadaha 1-aad iyo 2-aad loo doortay Xamsa Xaaji Cabdi iyo Suleymaan Bashiir Sheekh Cabdi.

Dhinaca kale, Madaxa Tartankaasi waxaa noqonaya Garsoore  u dhashay dalka Koonfurta Afrika oo lagu magacaabo Simphiwe Brian Xaba, halka Garsoore  Jean Olivier Mbera oo u dhashay dalka Gabon uu noqonayo Qiimeeyaha Garsoorka  ee Ciyaartaasi.

Xigasho: goal.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor