Wararka Radio Dalsan ay ka heleyso magaalada Garoowe gaar ahaan koonfurta magaaladaas ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan maamulka Puntland oo ka cabanaya Mushaar La’aan ay la wareegeen Koontorool ku yaala koonfurta Magaalada Garoowe.
Saraakiisha ciidamadaasi ayaa sheegay in mudo 30-bil ah eysan xuquuq helin oo ay ku dhaliileen madaxda Puntland inay dudsiyeen xaqii ciidamadaasi oo aan in muda ah helin Mushaar.
Dhawaan ciidamadaasi aya la wareegay xarumo muhiim ah sida xarunta baarlamaanka maamulka,kuuwasi oo ka cabanayey Mushaar la’aan,waxaana in muda ah ciidadma Puntland ay ka sheeganayeen mushaar la’aan,oo ay dhowr jeer ciidamadu gadood ka sameeyeen