Garoon Diyaaradeed oo lagu qabtay Daroonis-ka wax Basaasa 

Saraakiisha Kastamka ee Garoonka Caalamiga ee Qaahira (Customs officers at Cairo International Airport) ayaa waxaa fashiliyeen isku-day lagu doonayey in Qalabka  3 Diyaaradaha Darooniska lagu soo geliyo Masar.

Haweeney Masaari ah oo aan magaceeda la shaacinin oo ka soo degtay Diyaaradda Shirkadda EgyptAir, kana timid dalka Imaaraadka Carabta ayaa la qabtay, kadib, markii la baaray Shandadeed laga helay qalabkaasi oo kala furfurnaa.

Markii la weydiiyey inay iyadu watay qalabkaasi xadgudub ku ah Sharciga iyo Nidaamka Kastamka wey beenisay.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulayaasha Garoonka Qaahira waxay  la wareegeen qalabkii Darooniska wax basaasa, iyadoo Talalabo sharci laga qaaday Haweeneydii lag qabtay Qalabkaasi.

Ma kala cadda ujeedada ay u wadatay Darooniska nooca wax lagu basaaso iyo haddii ay Shabakado Sirdoon lala leedahay xiriir wada-shaqeyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor