Wafdi ka socday dalka Zambia oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa

Wafdi ka socday dowladda Zambia oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda  Cadaaladda dalkaas Gavin Lubinda ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Wafdiga Wasiir  Gavin Lubinda oo uu kamid ahaa La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Zambia ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kusoo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha Wasiirka  Arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

Intaas kadib ayaa waxaa wafdiga loo gabiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada, iyagoona kulan gaar ah oo looga hadlayo Arrimo kala duwan la leh Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir  Gavin Lubinda iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Zambia ayaa kulamo kale la qaadan doona sida uu qorshahu yahay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland, waxaana la sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay xoojinta xiriirka labada dhinac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor