Ganacsatada Boosaaso oo Codsi u diray Madaxweyne Saciid Deni

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo Duqa Magaalada Boosaaso ayaa kormeer ugu tegay ganacsatada iyo qaybaha bulshada ee ku Ganacsatada  suuqa wayn ee Magaaladaas.

Taliye  Xuseen Cali Maxamuud ayaa xogo iyo is-waran guud uu la yeeshay ka dib uga mahad celiayay Ganacsatada  in ay dib u fureen ganacsiga Suuqa iyo waliba inay dib u soo ceshadaan shaqooyinkoodii.

Sidoo kale Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa Madaxweyne Cabdullaahi Deni ka coday in la jaan gooyo lacagta Sarifka Shilinka Soomaaliga ee lagu sarifo si lacgta Shilinka ay xoog ugu socoto Suuqyada Magaalada.

Dhinaca kale dadka ku dhaqan Boosaaso ayaa saakay soo dhaweeyay Go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ee ahaa in Shirkadaha Isgaarsiinta ay dhaqan galiyeen awaamirtii Golaha.

Magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay banaanbaxyo waaeeyn oo looga horjeeday Sicir barar xoogan oo ka jira halkaas, waxaana sare kac uu ku yimid Sarifka Lacagta Shilinka Soomaaliga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media