Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay deegaanka Kraaifontein gaar ahaan qeybta Xaafadda Midabka ee dalkaas fal dhaawac ah ugu geystay Muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsade ahaa, kaasi oo markii dambe geeriyooday.
Muwaadinka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Nuur Afrax, isla markaana waxaa lagu weeraray goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafadda Midabka ee Koonfur Afrika, iyagoona Muwaadin ugu galay Dukaankiisa, kadibna rasaas ku furay.
Dad Ehel la ah Muwaadinka la dilay ayaa xaqiijiyay in burcada iyaga oo aan waxba weydiinin Aadan Nuur ay rasaas uga dhufteen qeybaha sare ee jirka, waxaana marka hore soo gaaray, balse markii Isbitaalka loola cararay ayuu geeriyooday.
“Dukaankiisa ayey ugu tageen Tuugada, iyagoo waxba weydiin ayeyna Rasaasta qeybaha kore ee jirka uga fureen, mana naqaano sababta, islamarkiiba dhaawac ahaan ayaan Isbitaalka ula cararnay, balse tiisaa meeshaan ku ekeyd oo waa uu geeriyooday” waxaa sidaasi Saxaafadda u xaqiijiyey Muwaadin Soomaali ah.
Dalka Koonfur Afrika ayaa ah dal ay dhibaatooyin kala duwan loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay oo wax ka qabatay dhibaatada lagu haayo Soomaalida halkaas kunool.