Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug kusoo dhammaatay doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP64 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdullaahi Iimaan Afrax iyo Ganacsade Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib), waxaana kusoo baxay oo ku guuleystay Maxamed Cajiib.
Ganacsade Maxamed Cajiib ayaa helay Codad gaaraya 98, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Iimaan uu isna helay 2 Cod, sida ay ku dhawaaqeen Natiijada Guddiga doorashada Maamulka Galmudug, iyadoona ay doorashada coddeeysay 101 ergo.
Doorashada Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Guddiga doorashadooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada Galmudug…
Maxamed Ibraahim Cali Cajiib ayaa kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsade Maxamed ayaa waxaa uu kamid yahay shaqsiyaadka doorka fiican kasoo qaatay Nabada iyo dib u dhiska dalka.