Rag hubeysan ayaa Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho waxaa la sheegay in ay Maanta dilka gesyteen.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in rag bustoolado ku hubeysnaa ay dileen Nin lagu Magacaabi jiray Nuur Khayr oo Ganacsade ahaa,isla markaana ay baxsadeen.
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Shirkadda Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha oo ku taalo wadada labaad ee Suuqaasi.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay ,iyaga oo goobta ka qaaday meydka Marxuumka.
Weli macada dadka ka dambeeya dilka Ganacsadaha iyo sababata loo dilay,balse dilkaan ayaa waxa uu ka mid yahay dilalka mar walba ka dhaca Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay lagu soo daadiyaya xaafadaha Magalada Muqdisho taas oo keentay in amaanka uu soo hagaago.