Wararka naga soo gaaraya duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Nin Ganacsade ah lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhanka Koonfureed ee Magalada Muqdisho.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay Ninkaasi Ganacsadaha ahaa ku dileen Wadada Arbacow oo ka tirsan Ceelasha Biyaha,isla markaana lagu dilay goobtiisa Ganacsi.
Dad yaqaanay Ganacsadaha ayaa u sheegay Radio Dalsan in lagu Magacaabi jiray Cumar Macow,isla markaana uu dukaan ku lahaa wadada Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha.
Macada sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,hayeeshee maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa Magalada Muqdisho ka dhacayay dilalka loo geysanayo dadka u Shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Halka dilka uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray goordambe Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,iyaga halkaasi ka qaaday maydka marxuumka la dilay.
Dilalka loo geysanayo Ciidamada ka tirsan dowladda iyo dadka u Shaqeeya Shirkadaha ka howlgalla Magalada Muqdisho ayaa bilihii la soo dhaafay si caadi ah uga dhacayay Magalada Muqdisho,welina kama hadlin laamaha  amniga Soomaaliya.