Maamulka Galmudug ayaa deegaanka Ceel huur ee gobolka Mudug maanta ku soo bandhigay badmaaxiin u dhashay dalka Hindiya oo shalay laga soo furtay kooxaha burcadbadeeda.
Saraakiil ka tirsan ilaalada xeebaha Galmudug ayaa warbaahinta kula hadlay Ceel huur, islamarakaana sheegay in Ajaaniibtaas lagu wareejin doono dowladooda Hidinya, waxaana saraakiishu ay tilmaameen in Raga burcadbadeeda ee aftuubtay badmaaxiintaas la soo taagi doono maxkamada Galmudug, laguna qaadi doono Tallaabo waafaqsan Sharciga.
Halkaan hoose ka Daawo SAWIRRADA: