Galmudug oo ka walaacsan kooxo yar oo carqaladeynaya doorashada sanadkan

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay si aad ah uga wallaacsan tahay soo ifbaxa kooxo yar oo doonaya inay carqaladeeyaan hannaanka doorashada sannadka 2016-ka.

Doorashada 2016-ka iyo hannaanka loo marayo intaba waa kuwo ku saleysan dastuurka KMG iyo heshiisyada sharciga ah ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, iyadoo weliba beesha caalamka ay hannaankaasi taageersan tahay.

Xulista xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada ee heer dowlad goboleed, waxaa loo marey dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee sharciga waafaqsan.

Waxaa arin laga xumaado ah in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku guuldareystey inay iska dhex arkaan liiska guddiga ay bilaabaan hurin colaadeed iyo inay iska hor keenaan bulshada.

Waxaa caado ah in marka la gudagalo nidaam kala guur siyaasadeed, inay soo shaac baxaan xubno qas-wadeyaal ah oo marka ay nidaam sharci ah wax ku waayaan isku daya inay carqaladeeyaan barnaamijyada dowlad dhisidda iyo isbeddelada siyaadeed ee jira.

Siyaasadda Dowlad Goboleedka Galmudug waa mid ku dhisan inay u adeegto guud ahaan shacabka gobolladan ku dhaqan, iyadoo aan loo kala eexan, isla markaana waxay dhiirigelineysaa in dhammaan siyaasiyiinta ay waddo sax ah u maraan doonista xilalka siyaasadeed.

Sidaa darted waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNSOM iyo beesha caalamka inay ka warhayaan dhibaatada ay wadaan kooxahan yar ee danahooda ka hormarinaya danta guud.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor