Galaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyo dhexmaray Soomaaliya Uganda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo lagu ansixiyay sharciyo iyo heshiisyo dhowr ah oo u dhexeeya Soomaaliya Uganda,waxaana shir Guddoomiyay kulankii Xalay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabddi Barre.

Kulanka oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa lagu ansixiayy Labo Hindise Sharciyeed oo Muhiim u ah Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Sharciga La Dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay la galayso Uganda.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Farhan Jimale ayaa ka warbixiyay kulanka,waxaaan auu tilmaaamy in heshiisyada iyo Sharciyada Xukuumaddu Ansixisay ay muhiimad gaar ah u leeyihiin Ganacsadata Soomaaliyeed ee Ganacsiyada ku leh dalka Uganda.

Dalka Uganda Soomaali badan ayaa ganacsiyo ku leh,waxaana jiray heshiisyo la xariira dhanka ganacsiga oo horay u dhex-maray Labada Dowladood Soomaaliya iyo Uganda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor