Gacan-ku-dhiiglaha oo lagu magacaabo Gary Hopkins oo 37 jir ah ayaa waxaa Khamiistii la soo dhaafay ee bishan March ahayd 28-ka la soo taagay Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London, waxaana lagu helay inuu ka dambeeyey dilkii Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Cabid Cali oo 18-sanno jir ahaa, kaasi oo la dilay bishii December 21-dii ee sannadkii 2017-kii.
Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dilay guri uu degganaa Gacan-ku-dhiiglaha oo ku yaalla Degmadda Enfield oo masaafo ahaan 16.3 KM dhanka W/bari kaga toosan Bartamaha magaalladda London, wuxuuna Marxuumka u geeriyooday Burus uu madaxa kaga dhuftay iyo mindi uu dhererkeedu ahaa 16 Sentimitir uu uga dhuftay wadnaha.
Gacan-ku-dhiiglaha waxaa kaloo la sheegay inuu Marxuumka ka dhacay lacag dhan 400 oo Geniga Istarliinka ama Pound-ka ee dalka Britain (£400).
Gacan-ku-dhiiglaha Gary Hopkins waxay kaloo maxkamaddu ku heshay inuu maydka Marxuumka muddo 8 bilood ku dhex qariyey saqafka srae ee qeyb ka mid ah Gurigii uu degganaa.
Maxkamaddu waxay xukunka Gacan-ku-dhiiglahaasi ku dhawaaqi doonta bisha soo socota ee April 26-da, sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamadda.
Dhinaca kale, Nin la saaxiib ahaa Gacan-ku-dhiiglaha ayaa la sii daayey, kadib, markii lagu waayey inuu ku lug lahaa dilkaasi.
Sidoo kale, haweeney la saaxiib ahayd Gacan-ku-dhiiglaha ayaa la sheegay inay Boliska ka taageertay inay maydka Marxuumka ka soo helaan guriga Gacan-ku-dhiiglaha.
Waxay sheegtay inay guriga u deggaana Gacan-ku-dhiiglaha tagtay bishii August 25-dii ee sanandkii 2018-kii, isla markaana ay aragagax ka qaatay, markii uu tusiyey halka uu ku qariyey maydka Ninka Soomaaliga.
Ugu dambeyntii, Qoyska Marxuumka waxay horey Boliska ugu wargeliyeen in markii ugu damayasay Marxuumka lagu arkay Xafladda Arooska Walaashiisa bishii December 11-dii ee sannadkii 2017-kii balse wixii xilligaasi ka dambeyeyna la waayey muuqiisa.