Gabadhii Soomaalida ee isku gubtay Jesiiradda Nauru oo lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Brisbane, Australia.

Gabadhaasi oo lagu magacaabo Hodan Yaasiin Barre waxay shalay si xun isugu gubtay  Xeradda dadka lagu hayo ee Jesiiradda Nauru, kadib, markii ay isku buuqday, isla markaana laga soo celiyey daaweyn horey loogu qaaday dalka Australia.

Warbaahinta dalka Australia ayaa sheegay in gabadhaasi loo soo duuliyey Isbitaal ku yaalla magaalladda Brisbane ee dalka Australia, kadib, markii xaalladeeda wax looga qaban kari waayey  Jesiiraddii ay isku gubtay.

Gabadhaasi oo 21 jir ah ayaa ah Qaxooti Labaad ee muddo hal isbuuc gudihiisa isku guba Jesiiradda Nauru oo ku taalla Badweynta Baasifik.

Saddex maalmood ka hor nin Qaxooti oo u dhashay dalka Iiraan ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray kadib markii uu dab is-qabadsiiyey, xilli ay Saraakiil ka socotay Hay’adda UNHCR booqasho ku tageen Xeradda Qaxootiga lagu hayo ee Nauru.

GABAR IS-GUBTAYDhinaca kale, Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, Peter Dutton ayaa sheegay in Qaxootiga ku nool Jesiiradda Nauru in Dib-u-dejin looga samaynayo dalka Kamboodiya.

Isagoo saakayto Suxufiyiinta kula hadlayey magaalladda Kanbeera waxa uu sheegay Qaxooti aan ku faraxsanayn Nolosha Jesiiradda Nauru in loo wareejin doono dalka Kamboodiya.

Waxa uu intaasi ku daray Qaxooti kale ee lagu hayo Jesiiradda Manuus in Dib-u-dejin looga samayn doono dalka Babu Niyuu Guneeya.

Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, Peter Dutton waxa uu carro kula dul dhacay, isla markaana u digay Qareenadda Qaxootiga oo uu sheegay inay Rajo been ah siiyaan Qaxootiga iyo inay Fursad Dib-u-dejin ka helayaan dalka Australia.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor