Agaasimaha Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI, Jeemis Komey ayaa u sheegay Kongareeska dalkaasi inaysan jirin wax dacwad oo ay Hillary Clinton ku muteysanayso baaritaankii FBI-da ee E-mailadeeda cusub.
Waxa uu tilmaamay inay dib u eegeen dhamaan Isgaarsiinta ay Hillary Clinton adeegsatay markii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka.
“Ma jiro wax iska bedelay natiijadda baaritaankeena, waxaana ku muujinay bishii July xushmadaynta Xoghaye Hillary Clinton” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI, Jeemis Komey.
Dhinaca kale, Musharaxa Donald Trump ayaa cambaareeyey go’aanka FBI-da, wuxuuna sheegay in Hillary Clinton lagu badbaadinayo waxa uu ugu yeeray Nidaam ay ku shubatay.
Cod-ururin uu Telefishinka ABC sameeyey ayaa lagu sheegay inay Musharax Hillary Clinton ka horreyso Donald Trump, oo ay heshay 47%, halka Trump ka haysto 44%., iyadoo Doorashaddu dhici doonto bishan November 9-da.
©Radio Dalsan