C/risaaq Maxamed Warsame oo 20-jir ah ayaa waxaa mar kale shalay la soo taagay Maxkamad, iyadoo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Federalka ee FBI ku soo eedeeyey inuu Eedeysanaha khibrad u leeyahay samaynta Gantaallo lagu cabsi gelin karo Diyaaradaha ku soo degayo Garoonka Diyaaradaha ee Saint Paul ee magaalladda Minneapolis.
Daniel Higgins ayaa hadalkaasi ka sheegay Dhegeysiga Dacwadda loo haysto C/risaaq Maxamed Warsame oo deggan Gobalka Minnesota.
FBI-da waxay Maxkamadda u soo bandhigeen Codad si qarsoodi ah looga soo duubay Eedeysanaha oo uu ku sheegayo inuu awoodi karo inuu sameeyo Gantaal nooca guri-ku-samays ah “Homemade Rocketsâ€, kaasi oo gaari kara ilaa 2,000 oo cagood.
FBI-da waxay kaloo sheegeen inuu Eedeysanaha Xamaali ka ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis muddadii u dhexeysay April ilaa August ee sannadkii hore ee 2014-kii.
Garsoorad Becky Thorson oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Minnesota ayaa  qaaday Dhegeysiga Dacwadaasi, waxayna taageertay Warbixinta ay soo gudbiyeen FBI-da.
Waxay kaloo sheegtay inaan la sii dayn karin Eedeysanaha oo ay ku tilmaamtay inuu khatar ku yahay Diyaaradaha iyo Mujtamaca.
Kiiska Eedeysane C/risaaq Maxamed Warsame ayaa haatan u gudbay Garsooraha Weyn, iyadoo Dacwad-oogayaasha doonayaan fasax si ay u sii wadaan Dacwadaasi.
Eedeysanahaasi oo la xiray bishan December 9-dii waxa uu ka mid yahay 10 dhallinyaro Somali deggan Gobalka Minnesota, kuwaasi oo  tan iyo bishii April ee sannadkan ku socotay Dacwad la xiriirta inay taageero u fidin lahaayeen, kuna biiri lahaayeen Kooxda Daacish ee ka dagalaanta dalalka Syria iyo Iraq.
©Radio Dalsan                              Â